Suuradda Al-'Adiyat
سُورَةُ العَادِيَاتِ
Makki · 11 aayadood · Juz 30
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh
وَٱلْعَٰدِيَٰتِ ضَبْحًۭا ﴿١﴾
1. Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.
فَٱلْمُورِيَٰتِ قَدْحًۭا ﴿٢﴾
2. iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).
فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًۭا ﴿٣﴾
3. Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.
فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًۭا ﴿٤﴾
4. Ee Boodhka kiciya.
فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا ﴿٥﴾
5. Cadawgana dhexgala.
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌۭ ﴿٦﴾
6. Ee Dadku Eebohood waa diideen.
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌۭ ﴿٧﴾
7. Arrintaasna Dadku wuu ogyahay.
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ ﴿٨﴾
8. Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.
۞ أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ ﴿٩﴾
9. Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.
وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ ﴿١٠﴾
10. Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّخَبِيرٌۢ ﴿١١﴾
11. In Eebohood Maalintaas ogyahay.
Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.
Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.