Suuradda Al-Qari'ah

سُورَةُ القَارِعَةِ

Makki · 11 aayadood · Juz 30

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Xifdi Suuradda Al-Qari'ahCod ku akhri, Shamsa ayaa ku dhegeysanaysa oo kuu muujinaysa erayga aad ka boodday ama khaldday. Akhrin Laatiin ah, bilaash.

Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

ٱلْقَارِعَةُ ﴿١﴾

1. Qaaricada (qalbiga garaacda).

مَا ٱلْقَارِعَةُ ﴿٢﴾

2. Qaarica maxay tahay.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ ﴿٣﴾

3. Mase taqaannaa Qaarico.

يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ ﴿٤﴾

4. Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.

وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ ﴿٥﴾

5. Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.

فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ ﴿٦﴾

6. Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.

فَهُوَ فِى عِيشَةٍۢ رَّاضِيَةٍۢ ﴿٧﴾

7. Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.

وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ ﴿٨﴾

8. Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).

فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌۭ ﴿٩﴾

9. Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ ﴿١٠﴾

10. Ma taqaannaa Haawiya.

نَارٌ حَامِيَةٌۢ ﴿١١﴾

11. Waa Naar kulayl daran.

Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.

Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.