Suuradda At-Takathur
سُورَةُ التَّكَاثُرِ
Makki · 8 aayadood · Juz 30
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh
أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ ﴿١﴾
1. Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),
حَتَّىٰ زُرْتُمُ ٱلْمَقَابِرَ ﴿٢﴾
2. Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ ﴿٣﴾
3. Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ ﴿٤﴾
4. Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ ٱلْيَقِينِ ﴿٥﴾
5. Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).
لَتَرَوُنَّ ٱلْجَحِيمَ ﴿٦﴾
6. Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ ٱلْيَقِينِ ﴿٧﴾
7. Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.
ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ ﴿٨﴾
8. Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.
Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.
Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.