Suuradda Ad-Duha
سُورَةُ الضُّحَىٰ
Makki · 11 aayadood · Juz 30
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh
وَٱلضُّحَىٰ ﴿١﴾
1. Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
وَٱلَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ ﴿٢﴾
2. Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ ﴿٣﴾
3. Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
وَلَلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ لَّكَ مِنَ ٱلْأُولَىٰ ﴿٤﴾
4. Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰٓ ﴿٥﴾
5. Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًۭا فَـَٔاوَىٰ ﴿٦﴾
6. Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
وَوَجَدَكَ ضَآلًّۭا فَهَدَىٰ ﴿٧﴾
7. Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
وَوَجَدَكَ عَآئِلًۭا فَأَغْنَىٰ ﴿٨﴾
8. Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
فَأَمَّا ٱلْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ ﴿٩﴾
9. Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنْهَرْ ﴿١٠﴾
10. Ka wax su'aalina ha canaanan.
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ ﴿١١﴾
11. Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.
Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.