Ducooyinka Quraanka

Ducooyin Quraanka ku jira oo ah Carabiga mushafka. Tarjumaddu waa tan Mahmud Muhammad Abduh; suuradda iyo aayadda waxaa lagu qoray hoosta duco kasta.

Khayrka adduunka iyo aakhirada

رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةًۭ وَفِى ٱلْءَاخِرَةِ حَسَنَةًۭ وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ ﴿٢٠١﴾

Rabbanaa aatinaa fid-dunyaa xasanatan wa fil-aakhirati xasanatan wa qinaa cadhaaban-naar

Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka Naarta.

Ducada uu Nabiga ﷺ inta badan baryi jiray; riwaayaddaas waxay ku bilaabantaa "Allaahumma" (Bukhaari 6389).

Quraanka, Al-Baqarah 2:201 · Bukhaari 6389 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ha nagu qabanin

رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَآ إِن نَّسِينَآ أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَآ إِصْرًۭا كَمَا حَمَلْتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦ ۖ وَٱعْفُ عَنَّا وَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَآ ۚ أَنتَ مَوْلَىٰنَا فَٱنصُرْنَا عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْكَٰفِرِينَ ﴿٢٨٦﴾

Rabbanaa laa tu'aakhidhnaa in nasiinaa aw akhta'naa, rabbanaa wa laa taxmil calaynaa isran kamaa xamaltahuu calal-ladhiina min qablinaa, rabbanaa wa laa tuxammilnaa maa laa taaqata lanaa bih, wacfu cannaa waghfir lanaa warxamnaa, anta mawlaanaa fansurnaa calal-qawmil-kaafiriin

Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.

Quraanka, Al-Baqarah 2:286 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Quluubtayada ku sugi

رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ ﴿٨﴾

Rabbanaa laa tuzigh quluubanaa bacda idh hadaytanaa wa hab lanaa min ladunka raxmah, innaka antal-Wahhaab

Eebow ha iilin Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii agtaada Naxariis, adiga unbaa bixinbadane ehc.

Quraanka, Ali 'Imran 3:8 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducadii Aadam iyo Xaawa

رَبَّنَا ظَلَمْنَآ أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلْخَٰسِرِينَ ﴿٢٣﴾

Rabbanaa dhalamnaa anfusanaa wa in lam taghfir lanaa wa tarxamnaa lanakuunanna minal-khaasiriin

Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.

Waxaa yiri Aadam iyo Xaawa kadib gefkoodii, iyagoo dambi dhaaf weydiisanaya.

Quraanka, Al-A'raf 7:23 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Iga dhig mid ooga salaadda

رَبِّ ٱجْعَلْنِى مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِى ۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَآءِ ﴿٤٠﴾ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ ٱلْحِسَابُ ﴿٤١﴾

Rabbij-calnii muqiimas-salaati wa min dhurriyyatii, rabbanaa wa taqabbal ducaa'. Rabbanaghfir lii wa li-waalidayya wa lil-mu'miniina yawma yaquumul-xisaab

Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda. Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu).

Ducadii Ibraahiim. Aayaddeeda labaad inta badan waxaa lagu akhriyaa fadhiga u dambeeya ee salaadda.

Quraanka, Ibrahim 14:40-41 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducada waalidka

رَبِّ ٱرْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِى صَغِيرًۭا ﴿٢٤﴾

Rabbir-xamhumaa kamaa rabbayaanii saghiiraa

Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar.

Quraanka, Al-Isra 17:24 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Laabta ii waasici

رَبِّ ٱشْرَحْ لِى صَدْرِى ﴿٢٥﴾ وَيَسِّرْ لِىٓ أَمْرِى ﴿٢٦﴾ وَٱحْلُلْ عُقْدَةًۭ مِّن لِّسَانِى ﴿٢٧﴾ يَفْقَهُوا۟ قَوْلِى ﴿٢٨﴾

Rabbish-rax lii sadrii, wa yassir lii amrii, waxlul cuqdatan min lisaanii, yafqahuu qawlii

Eebow ii waasici Laabta. iina Sahal (fududee) Amarkayga. Furna Guntinta Carrabkayga. ha Kaseen Hadalkeygee.

Ducadii Muuse ka hor risaaladiisa; inta badan waxaa la yiraahdaa ka hor waxbarasho ama hadal.

Quraanka, Ta-Ha 20:25-28 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Cilmi ii kordhi

رَبِّ زِدْنِى عِلْمًۭا ﴿١١٤﴾

Rabbi zidnii cilmaa

Eebow ii kordhi Cilmi.

Quraanka, Ta-Ha 20:114 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducadii Yuunus

لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ﴿٨٧﴾

Laa ilaaha illaa anta subxaanaka innii kuntu minadh-dhaalimiin

Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah.

Waxaa ku baryay Yuunus isagoo ku jira caloosha nibiriga. Muslim kasta oo wax uun ku baryo, Allaah wuu ka ajiibaa (Tirmidi 3505).

Quraanka, Al-Anbiya 21:87 · Tirmidi 3505 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducadii Ayuub

أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ﴿٨٣﴾

Annii massaniyad-durru wa anta arxamur-raaximiin

Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane.

Waxaa yiri Ayuub intii uu ku jiray xanuunkiisii dheeraa.

Quraanka, Al-Anbiya 21:83 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Allaah baa nagu filan

حَسْبُنَا ٱللَّهُ وَنِعْمَ ٱلْوَكِيلُ ﴿١٧٣﴾

Xasbunallaahu wa nicmal-wakiil

Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil.

Waxaa yiri Ibraahiim markii dabka lagu tuuray, iyo Nabiga ﷺ markii loo sheegay in ciidan isaga ka soo horjeeda uu isu soo ururay (Bukhaari 4563).

Quraanka, Ali 'Imran 3:173 · Bukhaari 4563 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Khayr kasta waan u baahanahay

رَبِّ إِنِّى لِمَآ أَنزَلْتَ إِلَىَّ مِنْ خَيْرٍۢ فَقِيرٌۭ ﴿٢٤﴾

Rabbi innii limaa anzalta ilayya min khayrin faqiir

Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay.

Waxaa yiri Muuse isagoo Madyan jooga, qariib aan waxba haysan.

Quraanka, Al-Qasas 28:24 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Dambi dhaaf oo naxariiso

رَبِّ ٱغْفِرْ وَٱرْحَمْ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ ﴿١١٨﴾

Rabbighfir warxam wa anta khayrur-raaximiin

Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone.

Quraanka, Al-Mu'minun 23:118 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducada xaaska iyo carruurta

رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَٰجِنَا وَذُرِّيَّٰتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍۢ وَٱجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا ﴿٧٤﴾

Rabbanaa hab lanaa min azwaajinaa wa dhurriyyaatinaa qurrata acyunin wajcalnaa lil-muttaqiina imaamaa

Eebow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam.

Quraanka, Al-Furqan 25:74 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Kuwii naga horreeyey

رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلْإِيمَٰنِ وَلَا تَجْعَلْ فِى قُلُوبِنَا غِلًّۭا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٌۭ رَّحِيمٌ ﴿١٠﴾

Rabbanaghfir lanaa wa li-ikhwaaninal-ladhiina sabaquunaa bil-iimaan, wa laa tajcal fii quluubinaa ghillan lil-ladhiina aamanuu, rabbanaa innaka Ra'uufun Raxiim

Kuwa imaan Asxaabta Nabiga ka dib waxay Eebe weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo Walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa rumeeyey Eebena waa naxariis badane.

Quraanka, Al-Hashr 59:10 · Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

Ducooyinka xilliyada