Suuradda At-Tin
سُورَةُ التِّينِ
Makki · 8 aayadood · Juz 30
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh
بِّسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيْتُونِ ﴿١﴾
1. Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
وَطُورِ سِينِينَ ﴿٢﴾
2. Iyo Dhuuri Siina.
وَهَٰذَا ٱلْبَلَدِ ٱلْأَمِينِ ﴿٣﴾
3. Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍۢ ﴿٤﴾
4. Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
ثُمَّ رَدَدْنَٰهُ أَسْفَلَ سَٰفِلِينَ ﴿٥﴾
5. Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۢ ﴿٦﴾
6. Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin.
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِٱلدِّينِ ﴿٧﴾
7. Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَحْكَمِ ٱلْحَٰكِمِينَ ﴿٨﴾
8. Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).
Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.
Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.