Suuradda Al-Ma'un

سُورَةُ المَاعُونِ

Makki · 7 aayadood · Juz 30

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Xifdi Suuradda Al-Ma'unCod ku akhri, Shamsa ayaa ku dhegeysanaysa oo kuu muujinaysa erayga aad ka boodday ama khaldday. Akhrin Laatiin ah, bilaash.

Tarjumadda: Mahmud Muhammad Abduh

أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ ﴿١﴾

1. Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada).

فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ ﴿٢﴾

2. Kaas xooga Agoonta (xageeda).

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ ﴿٣﴾

3. Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka.

فَوَيْلٌۭ لِّلْمُصَلِّينَ ﴿٤﴾

4. Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta).

ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ ﴿٥﴾

5. Ee haddana halmaansan Salaaddooda.

ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ ﴿٦﴾

6. Dadkana is tusiya.

وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ ﴿٧﴾

7. Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).

Tarjumadda © Mahmud Muhammad Abduh. Qoraalka Carabiga (far Cuthmaani): Mashruuca Tanzil.

Barnaamijka Shamsa waxaad ku dhegeysan kartaa suurad kasta, ku calaamadin kartaa meeshii aad joogtay, oo aad ku akhriyi kartaa internet la'aan.